Khayraadka daryeelka caafimaadka Somaliland: Heer Caalami ilaa kan Bulshada

Policy brief

Horst, Cindy & Nasra Jama (2016) Khayraadka daryeelka caafimaadka Somaliland: Heer Caalami ilaa kan Bulshada [Resources for Health Care in Somaliland: From the International to the Communal?], PRIO Policy Brief, 23. Oslo: PRIO.

Daryeelka caafimaadka Somaliland waxa bixiya kuwo dawli ah, kuwo gaar loo leeyahay iyo kuwa dhaqanka. Adeega caafimaadka Somaliland waxa haysta caqabado badan, dawladuna ma damaanad qaadi karto inay siiso adeeg caafimaad oo ku filan shacabkeeda. Dawladdu sidoo kale ma awooddo ilaalinta adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa samafalka ahiba. Sababta kali ah ee dhalisay caqabadahani waa miisaaniyadda qaran ee loo heli karo goobaha caafimaadka ee dawaladda oo kooban. Qayb libaax oo ka mid ah dhaqaaalaha ku baxa daryeelka caafimaadka waxa ku deeqa deeqbixiyaal caalami ah iyo qaar maxalli ah, halka ay ka jireen Somaliland gudaheedana dedaalo lagu dhiirrigalinayo ka qayb galka bulshada iyada oo loo marayo hindisiyaal kharash-wadaag. Dedaaladin si baaxad leh ayay u guul daraysteen, hasayeeshee meelaha guulaha laga gaadhay waxa ay damaanad qaadeen in la helo ilodhaqaale oo joogta ah waxana ay yareeyeen ku tiirsanaantii ilaha deeqaha dibada oo la wata mudnaano ama ahmiyado daryeel cafimaad oo dibadeed.

An error has occurred. This application may no longer respond until reloaded. Reload 🗙